Wasiirka Dhaqaalaha dalka Turkiga Oo loo Diiday inuu Galo Wadanka Austria

Dowlada Austria ayaa waxa ay wadankeeda ka mamnuucday inuu Soo galo wasiirka dhaqaalaha turkiga Nihat Zeybekci

Wasiirka ayaa waxa uu doonaye, Si Uu oga Qayb-galo dibadbax lagu xusayo afgab bigii dhicisoobay Ee kadhacay Sanadguuradii Kowaad Ee kaso Waregtay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Austria, Thomas Schnoell ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey go’aankan oo uu gaaray wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sebastian Kurz.

Wasiir Sebastian Kurz ayaa waxa uu sheegay in dibadbaxa uu ka qeyb galo Wasiirka dhaqaalaha Nihat Zeybekci ay keeni karto halis dhanka amniga iyo kala dambeyn la,aan ka dhalata Wadanka Austria.

Dowladda Austria ayaa horey u dhalleeceysay howl-gallada ciidamada amniga Turkiga ay fulinayeen wixii ka dambeeyey afgambiga, waxayna ku baaqday in la hakiyo wada-hadallad Turkiga uu doonayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub.

Go’aanka Uu gaaray wadanka Austria ayaa xigay go’aan kale oo ay dowladda Netherlands ku sheegtay in ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Tugrul Turkes uusan iman karin dalkaas. Turkes ayaa doonayey inuu ka qeyb galo xaflad ay jimcihii dhigeen bulshada Turkish-ka ee dalkaas, oo lagu xusayey afgambiga.

Comments are closed.