JOSE MOURINHO: MA SAHLANA IN LA SAALIYO KULANKA FINAL-KA UCL, 2 XIDDIG AYAA AH SAAMEYNTA KULANKA

Liverpool ayaa wajaheysa Tottenham Hotspur kulanka kama dambeyska ah Tartanka Koobka sharaftiisu tahay mid sareysa ee UEFA Champion league oo ka dhici doona caasimada Spain Ee Madrid, iyadoo Mourinho uu horey la soo qaadey FC Porto iyo Inter Milan horaantii xirfadiisa tababare nimo Oo koobkan kula guuleystay.

Tababarihii hore ee United ayaa daaha ka rogay ciyaartoyda uu aaminsan yahay inay yihiin kuwa hormuudka u ah labadda koox, ka hor  garoonka Wanda Metropolitano.

Macalinka reer Portugal ayaa dareensan in furaha Liverpool ay ku guuleysan karto Champions League ay tahay difaaca Virgil van Dijk, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee qaran Denmark Christian Eriksen uu yahay ciyaaryahanka ugu saameynta badan Spurs.

Ma la weydiiyay Mourinho hadii uu dooran lahaa xidigaha asaa siga u ah labdda koox ayaa u sheegay Eleven Sports: “Hadii aan doorto mid ka mid ah ciyaatoyda ugu dambeeyay ee soo bandhigtay qaab ciyaareedka ugu fiican, Van Dijk ayaa ah xiddiga Ugu wanaagsan Liverpool, dhinaca Spurs ayuu Jose sheegay kan Ugu wanaagsan inuu yahay Christian Eriksen sababtoo ah waxa Uu sameeyay ayuu yiri bandhig Cajiib Kulankii ay ugu soo udbeen finalka, iyadoo Harry Kane u maqnaa.”

Mourinho ayaa sii watay inuu sharaxo sababta uu u dareemayo in kooxna aysan noqon karin mida Ugu cad kahor final-ka.

“Waxaan mar walba sheegaa in kooxdii wax aan caadi aheyn ay ku soo baxday finalka, ay tahay Mid inyar ka horeysa kooxda kale” ayuu Mourinho ku daray.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku saabsan finalkan waa in labaduba ay ku yimaadaan hab aan Caadi aheyn”.

Guddiga Garsoorka ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in Damir Skomina Uu noqon doono garsooraha  finalka UEFA Champions League 2019 ee u dhaxeysa Tottenham Hotspur iyo Liverpool.

Kulanka ayaa waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Estadio Metropolitano ee magaalada Madrid habeenka Sabtida 1da Janaayo saacadda Markey tahy 10:00 XGA.

Garsoorahan heerka  caalami  ee 42 jirka ah, ayaa mihnadda garsoore waxa uu ku dhexjiraa tan iyo 2002-dii, Waxaana Uu Mal kale fursad U heli doona Qabashada kulan weyn oo Final ah tartanka Champions League midkan U dhaxeeya liverpool iyo Tottenham ayaana Noqonaya kisii saddexaad Uu dhex dhexaadiyo, madaama uu horay ugu soo guuleystay xakameynta finalkii UEFA Europa League ee dhexmaray Ajax iyo Manchester United 2017 sida UEFA Super Cup oo u dhaxeysay Chelsea iyo Atlético 2012.

Sanadkii 2013 ayuu qeyb ka ahaa finalkii UEFA Champions League ee u dhaxeeyay Borussia Dortmund iyo Bayern Munich Waxaana uu kulankaasi ka ahaa  sarkaalka afaraad ee garsooraha ka caawinayay ciyaarta.

Comments are closed.