Gaas oo Isku shaandheyn & Magacaabid cusub sameeyey

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw Isku shaandheyn ku sameeyey xubnaha golaha Xukuumadiisa, waxaana laysku bedelay Wasiiro kuxigeeno, iyadoo sidaas oo kalena la magacaabay Wasiiru dowlayaal cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland ka qaaday Cabdiweli Seed Cilmi, wuxuuna u magacaabay Dr Nuur Axmed Yuusuf oo horey u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Mr, Seed ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wasiiru dowle cusub oo loo sameeyey, waxayna kala yihiin.

Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta.

Cabdifitaax Nuur Ashkir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Comments are closed.