DHAGEYSO WAREYSI: Gudoomiyaha Deegaanka Goob Weyn Oo Fatahaadii Xalay Ka Hadlay

Gudoomiyaha Deegaanka Goob weyn Cumar C/llaahi Maxamed oo loo yaqaano (Huroow) ayaa waxa uu Radio Soyaal Kismaayo kaga warbixiyey Khasaaraha ka dhashay Fatahaadii Habeenimadii xalay uu ka sameeyey Webiga Jubba Deegaankaasi.

Cumar Huroow ayaa inoo sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo biyo intaan la’eg ay ku arkaan webiga Jubba islamarkaana Hanti ubadnaa waxyaabaha la dhaqdo ay biyihii xalay la tageen.

Daadka ku rogmaday qeybo ka mid ah Deegaanka Goob weyn ayuu Gudoomiyuhu sheegay inay isku dayeen bad baadinta kudhawaad 40 Qoys sida uu warka u yiri.

Gudoomiyaha Deegaanka ayaa sidoo kale Radio Soyaal Kismaayo usheegay inay dalbanayaan gurmad deg deg ah in lala soo gaaro.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Comments are closed.